Wararka

Majaladda France Football ayaa shaacisay inay xanibi doonto sanadkan bixinta kubada dahabka…


Majaladda Faransiiska ee France Football ayaa shaacisay maanta oo Isniin ah inay xannibi doonto bixinta kubada dahabka ah ee la siiyo laacibka ugu fiican ee kubada cagta adduunka sannadkan.

Majaladda ayaa sheegtay inay joojineyso abaalmarintan markii ugu horreysay taariikhdeeda tan iyo markii ay bilaabatay 1956 iyadoo ay ugu wacan tahay duruufaha gaarka ah iyo iyadoo aan jirn cadaalad ku filan oo lagu xusho qofka ugu munaasabsan sannadkan sababta oo ah joojintii dhaqdhaqaaqa kubadda cagta ee muddada dheereyd oo cabsi laga qabay inuu faafo cudurka Coronavirus.

Joornaalka Faransiiska ayaa intaa ku daray in muddo laba bilood kaliya bilowgii sanadkan la ciyaaray kadibna ay hakadeen dhammaan tartamada dhowr bilood adduunka oo dhan, sidaa darteed waxaan la heli karin ra’yi caadil ah oo lagu xusho laacibka ugu fiican dunida, waxaa kala daadsan aragtida cod-bixiyeyaasha abaalmarinta ee adduunka oo dhan kuwaasi oo tiradooda gaaraya 220 codbixiyayaal.

Waxaa xusid mudan in xiddiga reer Argentine Lionel Messi uu ahaa kii ugu dambeeyay ee ku guuleysta kubbada dahabka sanadkii la soo dhaafay, waana markii lixaad oo taariikhdiisa, wuxuuna dhigay rikoor isagoo barbaro ahaayeen qaadashada abaalmarintan xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo oo ku guuleystay shan jeer, sidaasina ku hogaaminayo hal kubad dahab ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: