Wararka

Dad qal qal gelin ku abuurayay Imtixaanada fasalka 12aad ayaa la sheegay in la xiray…


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu sheegay inay jiraan dad qalqal gelinaya Imtaxaanada fasalka 12-aad ee dugsiga sare, kaas oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee dalka. Waxa uu intaa ku daray inay ogaadeen in arrintaas ay ka dambeeyaan dad leh ahdaaf gaar ah, oo ay ku jiraan siyaasiyiin.

Waxa uu sidoo kale Wasiir Goodax sheegay inay jeelka dhigeen dad abuurayay qalqal-gelintaas, sida uu qeexay, haddana lagu sameynayo baaritaanno dheeraad ah.

Imtixaanka oo bilowday maalintii Sabtida aheyd, ayaa waxa la filayaa in lasoo gabagabeeyo maanta sida uu qorshuhu yahay.

Dhinaca kale waxa uu Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee dalka Cabdullaahi Goodax qeexay in aysan ardayda Soomaaliyeed uusan niyad jebineyn, in la qal-qal geliyo Imtixaankooda.

Cabdullaahi Goodax ma uusan sheegin siyaasiyiinta uu aaminsanyahay inay wadaan inay isku dayga suurad xumeynta Imtixaanada dalka.

Horay ayuu Booliska Soomaaliya uga digay dadka inay sameeyaan wax kasta oo saameyn ku yeelan kara Imtixaanada ardayda .

Sanadka waxaa galay Imtixaanka arday ka socotay Banaadir, Hirshabeelle, Koonfur galbeed, Galmudug iyo Jubaland.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: