Wararka

Gabar Afghani ah ayaa dishay maleeshiyo ka tirsan Taliban oo horey u dilay waalidkeed…


Gabar dhallinyaro ah oo u dhalatay dalka Afghanistan ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada, kadib markii gabadhaan ay dishay labo dabley oo katirsan kooxda Taliban ee ka dagaalanta dalkaasi.

Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa baahiyay in gabadhan dishay labo kamid ah maleeshiyaadka Taliban oo horey u dilay waalidkeed, waxaana gabadhan lagu tilmaamay halyey aargoosatay.

Mas’uuliyiinta gobolka Ghor ee dalka Afgaanistan ayaa warbaahinta u sheegay in gabadha yar qaadatay qorayga AK-47 uu aabaheed lahaa kadibna dishay labo dagaalyahan oo katirsan Taliban oo weerar kusoo qaaday guriga gabadhaasi yar.

Dagaalyahano katirsan Taliban ayaa la sheegay in ay soo weerareen gabadhan aabaheed kadibna dileen iyaga oo ku eedeynayay in uu taageersan yahay dowlada Afghanistan, waxaana markii dambe dableydaasi iska difaacay dadka deegaanka oo la dagaalay.

Gabadha dishay dagaalyahanada katirsan kooxda Taliban iyo caruur kale oo la dhalatay ayaa loo qaaday goob ammaan ah, waxaana gabadhaasi la sheegay in ay tahay geesiyad u aarguday waalidkeeda.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa geesinimada gabadhan yar ee u aarguday waalidkeeda, waxaana lasoo dhigay sawirka gabadhan yar oo dhabta ku heysata qorayga AK-47.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11861 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: