Wararka

Galmudug ayaa beenisay in ay jiraan qodobo la isku mari waayey shirka Dhuusamareeb uga…


Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur gacal, ayaa beeniyay in ay jiraan qodobo la isku mari waayay shirka Dhuusamareeb uga socda madaxda Dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta la filayo in war murtiyeed uu kasoo baxo shirka oo intiisa badan looga hadlayo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho la isku waafaqsan yahay.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in la isku raacay dhismaha guddi ka kooban Dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo sii ambaqaadi doono wada xaajoodka arrimaha doorashooyinka.

Waxaa lagu wadaa in dhinacyadu isku raacaan shir kale oo ka dhici doona magaalada Muqdisho oo arrimaha doorashada looga go’aan gaari doono.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: