Wararka

Imtixaanka Shahaadiga ayaa la sheegay in ay galeen 500 arday oo wax ku barata deegaanada P/land…


Waxaa shalay si rasmi ah loo soo gabo gabeeyay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, waxaana sanadkan Imtixaankaasi u fadhiistay in ka badan 34-kun oo arday oo ku kala sugan gobolada dalka.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah gashay ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare ay ku jiraan 500-arday oo wax ku barata deegaanada Puntland.

Wasaarada Waxbarashada ma shaacin halka ardayda wax ku baratay dugsiyada sare ee Puntland ku galeen imixaankan, waxaana horey Imtixaankan uga soo horjeysatay Puntland oo iyadu si gaar ah Imtixaan uga qaaday ardayda dugsiga sare ee deegaanadeeda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: