Wararka

M/weyne Farmaajo ayaa kulan albaabadu ay u xiran yihiin la qaatay Axmed Madoobe iyo Deni…


Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa ka socda kulan albaabada u xiran yihiin oo ay leeyihiin Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlaya Axmed Madoobe iyo Saciid Deni sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Dowlada Federaalka iyo maamuladooda si loo soo celiyo wada shaqeynta iyo xiriirka labada dhinac.

Kulanka oo ah mid albaabada u xiran yihiin ayaa wararku sheegayaan in diirada lagu saarayo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo arrimo kale.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa sameystay isbaheysi ka dhan ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana labadan maamul noqdeen mudooyinkii dambe kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda Dowlada Federaalka aadna u dhaliila madaxdeeda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Dhuusamareeb kulama kala duwan kula qaatay Madaxda maamul goboleedyada oo magaaladaasi u tagay shirka looga arinsanayay arrimaha doorashada dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11401 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: