Wararka

Qofkii Allah si run ah ugu xirma, adduun iyo aakhiraba wuxuu kala kulmayaa fudeyd…


Haddii aad rabtid liibaan adduunyo iyo mid aakhiro ka faa’ideyso talooyinkan hoose:

Ku bilow maalintaada salaada fajr iyo adkaarta subax
Ha goynin weydiinta Ilaahey kaas ayaa ah xariga nabadgelyada
Xasuuso warkaada in ay malaa’ig qoreyso
Ha rajo beelin xataa haddii aad ku sugan tahay khatar
Haddii ay kugu badato murugta iyo werwerka dheh “la ilaaha ila laah”
Ku gado maalkaaga ducada fuqarada iyo jaceylka masaakiinta
Sujuud dheer oo khushuuc ku lamaanan ayaa ka fadli badan guryo waaweyn
Ka fiirso inta aadan wax oran
Iska jir ducada qofka la dulmiyey iyo ilinta qofka la gooyey
Intaadan jariidad iyo kutub aqrinin aqri quraanka
Sabab u noqo toosnaanta ehelkaaga
Kula dagaalan nafsadaada dhaacada
Ha caroonin noloshu ma ahan sida aad moodeysid
Ka fogow malaha xun si aad u nabad gashid
Ku dadaal aqrinta suurada Tabaarak waa badbaadiso
Ha daba dhiggan mu’miniinta gaafilka ah
Jaceylka u hibee kuligiisa Allah iyo Rasuulkiisa
Qofkii ku dulmiya iska saamax
Salaada, dikriga iyo aqrinta qur’aanka waxay nadiifiyaan qalbiga
Xusuuso kuleylka naarta
Sida habeenka u tago ayaa xanuunku u tagaa, dhibaatada ku dhaaftaa, shidadu kaa tagtaa
Noloshu waa qurux waxaa ka qurux badan waa adiga oo iimaan leh
Muxuu qofka meydka ah doortey haddii loo soo celin lahaa adduunyada waa sadaqada :
رب لولا أخرتنى الى أجل قريب فاصدق. qofka ma dhihin waa soo cumreysanaa, waa soo dukanaa ama waa soo soomaa wuxuu yiri waan soo sadaqeysanaa, hadaba sadaqada yaan la iloobin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11748 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: