Wararka

Dowlada Somalia ayaa la sheegay inay dib u celisay diyaarad ka diiwaan gashan dalka Kenya…


DF ayaa saaka hawada Soomaaliya ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadda duullimaadyada Jetways oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya.

Dayuuradda oo ay soo kireysay safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxaa la socday 80 rakaab Soomaali ah oo muddo ku xayirnaa Kenya ka dib markii ay saameysay xanibaada duulimaadyada ee ka dhalatay cudurka COVID-19.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuuradaas oo ku soo jeeday Mogadishu lagu soo qariyey Qaad ganacsi ahaan loo soo gelin rabay dalka taasoo sababtay in DF ay dib u celiso markii ay ka war heshay.

Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradda iska leh ee Jetways ayaa markii ay dayuuradda duushay ka war helay in Qaad aysan ogeyn la saaray xili ay soo gashay hawada Somalia, iyagoo ka dibna la soo xiriiray haya’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya oo arrintaas ay ku wargeliyeen taasoo keentay dib u celinta dayuuradaas.

DF ayaa dalka ka mamnuucday Qaadka, inta lagu guda jiro la dagaallanka xanuunka COVID-19, iyadoo diyaaraddii keenta dalka la marinayo ciqaab adag oo ay ku jirto in duulimaadyada Somalia laga mamnuuco.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: