Wararka

Feeryahanka caanka ah ee Mareykanka Mike Tyson ayaa dib ugu soo noqonaya Feerka…


Feeryahankii mar ahaan jiray horyaalka miisaanka culus ee feerka dunida, Mike Tyson, ayaa dib ugu soo noqonaya tartarka feerka oo waxa ay gorrodda is dari doonaan Roy Jones Jr oo afar goor isna hore u noqday horyaalka miisaanka culus ee feerka dunida.

Tartankan ayaa la muddeeyey inuu ka dhaco magaalada Los Angeles 12 September ee soo socota.

Tyson oo haatan 54 jir ah ayaa markii ugu dambaysay ee uu tartan feer ah galaa waxay ahayd 2005.

Ninkan uu la tartamayo oo Maraykan ah da’diisuna tahay 51 jir, ayaan qudhiisu tartamin tan iyo waagii uu ka guulaystay Scott Sigmon bishii Februay 2018.

Xidhiidhka ciyaaraha Atletikada ee gobolka California ayaa ogolaaday in tartankaasi dhaco, waxaanu noqon doonaa sideed wareeg oo toos Telefishannada lacagta lagu daawado looga sii dayn doono.

Tyson wuxuu ahaa qofkii ugu da’da yaraa ee ku guulaysta horyaalka miisaanka culus ee dunida, oo isaga oo 20 jir ah ayuu Trever Berbick 1986 ka guulaystay.

Waxa hadal haynta inuu ku soo noqonayo goobaha feerka sii buunbuuniyey muuqaal uu ku baahiyey baraha bulshada isaga oo tababar ku jira.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: