Wararka

Maamulada, Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle oo soo magacaabay guddiga farsamada ee ku…


Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Hirshabelle iyo Puntland ayaa soo magacaabay guddiga farsamo ee maamuladaasi ku matali doona ka baaraan dagida hanaanka doorashada dalka ay noqon doonto.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu soo magacaabay labo xubnood oo guddigan ku matalaya Jubbaland kuwaa oo kala ah;

Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xamze Cabdi Barre, Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Dhanka kale Madaxweynaha DG Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isna soo magacaabay labo xunnood oo maamulkiisa ku matali doono Guddigan ka shaqeyn doona go’aan ka gaarida nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Waare ayaa soo magacaabay Wasiirka Arimaha guddaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle iyo Abdul Maxamed Faarax oo ah Madaxa Xafiiska amniga ee maamulka Hirshabelle.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda DG Puntland wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Puntland.
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.
Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Guddiyadan ka kala imaanaya maamul goboleedyada dalka ka jira iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu heshiiyay shirkii Dhuusamareeb in ay kasoo baaraan degaan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo waliba waqtiga ku haboon.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: