Wararka

Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyey qodobadii ka soo baxay shirkii magaalada Dhuusamareeb…


Midowga Afrika ayaa si diiran usoo dhaweeyey shirkii magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ee looga arinsanayay hanaanka doorashada Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu soo dhaweeyey qodobadii kasoo baxay shirka magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale niyad wanaag u muujiyay xubnaha guddiga farsamo ee ka imaanaya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ee ka baaraan dagaya hanaanka doorasho ee dalka .

“Guddiga Midowga Afrika wuxuu soo dhaweynayaa kulanka u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Hogaamiyaasha Xubnaha Dowlada Federaalka (FMS) ee Dhuusamareeb waxaana lagu dhiiri gelinayaa isbadalada hogaamiyaasha in la sameeyo gudi farsamo oo ka hadlaya qaab dhismeedka doorashada 2020″ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Midowga Afrika.

Shirkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyo go’aanadii kasoo baxay ayaa inta badan taageero loo muujiyay, waxaa horey shirkaasi u soo dhaweeyay wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: