Wararka

Wareegtadii ugu horeysay ee uu soo saaro Ku-simaha RW ayaa xilka looga qaaday xoghayihii…


Ku-simaha cusub ee xilka RW Somalia ahna Rai’sul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) ayaa xilkiii ka qaaday xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska Rai’sul Wasaaraha Axmed Nuur Max’ed Cabdi.

Wareegto caawa ka soo baxday xafiiska Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale xilkaas waxaa si KMG ah loogu magacaabay C/risaaq Xuseen Aadan.

Lama sheegin sababta keentay xil ka qaadistan keentay balse Axmed Nuur Max’ed Cabdi ayaa ka mid ahaa xubnihii sida aadka ah ugu dhowaa Rai’sul wasaare Khayre oo maanta Guddoonku Baarlamanku sheegay in kalsoonida lagala laabtay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: