Wararka

Wasiirka Amniga ayaa si adag uga horyimid in xukuumada RW Kheyre xilka la qaaday…


Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa waxa uu ka hadlay go’aankii Baarlamanka ee Soomaaliya ee uu ku dhawaaqay Guddoomiye Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, waxa uuna sheegay in xildhibaanno doonayay muddo korarsi ay carqaladeeyeen kulankii maanta ee goloha shacabka.

Islow ayaa tilmaamay in xilligaan aan loo baahneyn in Baarlamanka lagu mashquuliyo rididda xukuumadda iyo dhismaha mid kale, balse loo baahan yahay in lagu mashquulo sidii looga shaqeyn lahaa doorashada Soomaaliya.

Wasiirka amniga dalka ayaa si adag uga hor yimid in xukuumadda Rai’isul wasaare Kheyre xilka laga qaaday, waxana uu ku qeexay falkii maanta mid qaanuunka ka baxsan.

Ugu dembeyn waxa uu ugu baaqay cid walba inay ka shaqeyso sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: