Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan ku lahaa xarunta Villa Hargeysa ayaa xilka looga…


Xildhibaanada golaha shacabka ee Federaalka Soomaaliya oo kulan ku lahaa xarunta Villa Hargeysa ayaa fowdo kusoo dhamaaday kadib markii xildhibaano katirsan golaha shaaciyeen in mooshin ka gudbiyeen Ra’isul wasaare kheyre kana qaadeen xilka.

Kulanka oo fowdo iyo is mari waa ka dhacay ayaa markii dambe Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sheegay in Xildhibaanada golaha shacabka kalsoonida kala noqdeen Ra’isul Wasaare Kheyre.

Xildhibaanada mooshinkan deg dega ah soo abaabulay ayaa shaaciyay in kalsoonida kala noqdeen Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib qaab gacan taag ah oo ay u codeeyeen.

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in afduub ka dhacay xarunta golaha, waxa ayna sheegeen in sharci daro tahay kalsooni kala noqoshada Ra’isul Wasaare Kheyre.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: