Wararka

Borrell: Hanaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada xukuumada xataa ma buuxin…


Ururka Midowga Yurub ayaa ka xumaaday tallaabadii ay shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka kalsoonida ugala laabteen Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Josep Borrell, Madaxweyne Kuxigeenka Ururka Midowga Yurub ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay dhacdadii shalay ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub ayaa bayaan uu goor dhow soo saaray ku sheegay inay tani dib u dhac ku tahay horumarkii ay Somalia hiigsaneysay iyo kalsoonidii uu Midowga Yurub ku qabay horumarkeeda.

Josep Borrell ayaa bayaanka ku yiri “Nasiib darro, arrimaha ka dhacay Golaha Shacabka Somaliya Sabtidii, waxay dib u dhac ku yihiin Somalia iyo kalsoonidii Midowga Yurub uu ku qabay horumarka Somalia.”

“Hannaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda, xitaa ma aysan buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah.”

“Ficiladan waxay xushmad darro weyn ku yihiin aasaasiga dastuuriga ee Somaliya ee Midowga Yurub uu maal-gelinayay.”

“Midowga Yurub wuxuu si taxadar leh dib ugu eegi doonnaa, sida ay ku yimaadeen dhacdooyinkan iyo cidda qaadeysa masuuliyadda iyo heerka ay Somaliya ka weecin karaan horumarkii ay sameyneysay.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11790 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: