Wararka

DF ee Somalia ayaa ka codsatay saaxiibada beesha caalamka inay ixtiraamaan madaxbanaanida…


Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay cambaareyn uga timid qaar kamid xubnaha beesha caalamka, kuwaas oo sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabkii kalsoonida loogala noqday xukuumaddii uu hogaaminayay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre.

Shirka gollaha wasiirada oo uu shir gudoominayay sii-hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha, ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa looga hadlay hadaladii kasoo baxay Mareykanka iyo Midowga Yurub.

“Gollaha wasiirada waxay bogaadiyeen taageerada beesha caalamka ay marwalba la garab taagan tahay Dowladda Federaalka, haddana dhinaca kale waxay gollaha wasiirada ay safiirada iyo dowladaha ay saaxiibka yihiin ka codsadeen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, dastuurka iyo go’aamada hey’adaha dastuuriga ee dowladda”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wuxuu intaa raaciyay in wixii tala ah ee ay hayaan ay tahay inay u maraan wadada diblomaasiyada.

Sidoo kale sii-hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha, Mahdi Guuleyd ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “gollaha wasiirada waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in saaxiibadeen beesha caalamka ay ixtiraamaan madaxbanaanida dalkeena iyo dastuurkeena”.

Hadalka Dowladda Federaalka ayaa yimid kadib markii Mareykanka iyo Midowga Yurub ay sheegeen in xil ka qaadistii Kheyre ay ahayd mid aan waafaqsaneyn nidaamka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: