Wararka

Dowlada Somalia ayaa ku sheegtay cilad farsamo Internet la’aanta ka jirta Koonfurta iyo…


Wasiirka Wasaarada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaaciyay in cilad farsamo ku timid Internet la’aanta ka jirta Koonfurta iyo Baratamaha Soomaaliya.

Wasiirka oo goordhaw la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa beeniyay in internet la’aanta ka jirta Muqdisho iyo gobolada qaar sabab u tahay arimo siyaasadeed, waxa uuna sheegay in cilad ku timid xariga Viber Optica sidaasna ku timid Internet la’anata.

Waxa uu xusay Wasiir Canshuur in cilada sababtay in uu go’ Internetka ku tuhmayaan meel 380-km u jirta Badweynta, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in dowlada arimo siyaasadeed u jartay Intetka.

“Ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa in aysan waxba ka jirin waxyaabaha la sheegayo ee la siyaasadeynayo, cilad farsamo ayey ku timid Internet la’aanta horey ayeyna u dhacday waana dhaci kartaa, cilada raadkeeda hada Injineerada ayaa gacanta ku haya,” ayuu yiri Wasiir Canshuur.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: