Wararka

R/wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah…


KUALA LUMPUR — Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Najib Razak ayaa maanta lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah oo la xiriira fadeexaddii musuq-maasuqa halka bilyan ee dollar ah ee lagu sameeyey sanduuqa horumarinta Malaysia ee 1MDB, taasi oo 2018-kii hogaamisay in dowladdiisa ay dhacdo.

Najib Razak ayaa sidoo kale lagu ganaaxay 50 milyan oo dollar, kadib markii lagu helay dhammaan toddobadii dawacd ee lagu soo oogay ee la xiriiray xatooyada lagu sameeyey sanduuqa 1MDB.

67-jirkan ayaa racfaan ka qaadan doona go’aankan, wuxuuna ahaan doonaa xor inta laga soo geba-gebeynayo racfaan qaadashadiisa oo la filayo inay muddo qaadato.

Kumanaan bilyan oo dollar ayaa laga xaday sanduuq lacageedka ugu weyn ee dowladda Malaysia, waxaana lagu qarash gareeyey wax kasta, oo ay ku jiraan guryo qaali ahaa iyo sawirro farshaxan oo lacag badan lagu soo iibiyey.

Bankiga maal-gelinta ee Goldman Sachs ee Mareykanka ayaa sidoo kale ay fadeexaddan lugaha la gashay, wuxuuna wajahayaa ganaax xooggan oo kaga imanaya dowladaha Mareykanka iyo Malaysia.

Xaakimka Maxkamadda Sare ee Kuala Lumpur, Mohamad Nazlan Mohamad Ghazali ayaa Najib ku helay 7 dacwad oo la xiriiray 9.9 milyan oo dollar oo laga wareejiyey sanduuqa 1MDB laguna shubay akoonkiisa banki ee shaqsiga ah.

Xatooyada lagu sameeyey sanduuqa 1MDB ayaa horseeday guul-darro lama filaan ah oo sanadii 2018 doorashooyinka kasoo gaartay isbaheysiga Najib Razak, taasi oo keentay in dowladdiisa ay dhacdo.

AFP

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: