Wararka

Tii daacada ii aheyd anigaa dulmiyey oo dareenkeeda dumiyey, qofka dantiisa haduusan garan…


Tii daacada ii aheyd anigaa dulmiyey oo dareenkeeda dumiyey,
qofka dantiisa haduusan garan dabin baa u yaal,
dood dheer iyo dagaal aan dhamaad laheyn baan ku daalay,
dardaarnkii iyo ducadii hooyaday ayaan dacal maray,
oo ka doortay dulinimo iyo damiir la’aan,
dadnimo iyo waxaa la igu ogaa dadaal dheeri ehe,
kolkaan qurbaha soo galaan malaha qalbigeyga doorsamay,
waxaan haween bartaba tii ugu diir naxa badneyd,
degenaanta iyo laab xaarnaanta oo naxariista lagu daray,
dad iyo dal iyo dowlad jeceylka matalkeeda ma dhalan,
sheekadeeda diirimaadka leh iyo farxad aan dabin laheyn,
waxay aheyd mid ku fiican in lala dalxiiso,
hadalkeeda ma laha deel qaaf iyo wax la dhibsado,
daandaansi iyo dabagal midna ma laha,
waa duriyad aan helin daryeelkii ay u baahneyd,
oo ku dayacantay dad aan wax garaneyn dhexdood,
dhimirka ayaa iga tagaya hadaanan la dakeyn daruurtaasi,
dumar tii ugu fiicneyd ee dulqaad iyo daacadnimo lagu daboolay,

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12171 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: