Wararka

Maxkamada Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday nin dilal khaarijin ah iyo qaraxyo geystay…


Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday Isxaaq Keerow Aadan Cali oo loo yaqaan (C/ladhiif iyo Cumar Faaruuq) ka dib markii lagu helay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaana uu geystay qaraxyo iyo dilal khaarijin ah sida uu ku dhawaaqay Guddoomyaha Maxkamadda Col. Xasan Cali Nuur (Shuute).

Isxaaq Keerow ayaa bishii Janaayo ee sanadkan 2020 ku dilay magaalada Muqdisho Marxuum Axmed Cumar Calasow, isagoo sidoo kale fuliyay 10 weerar oo qaraxyo Bam Gacmeed ah oo qaarkood ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Ninkan ayaa lagu qabtay weerar Bam oo uu ku qaaday xarunta Laanta Horseeed ee degmada Yaaqshiid bishii May ee sanadkan iyadoo qaraxaasi uu ku dhintay marxuum Faarax Cabdulle Cariif oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: