Wararka

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa xukun isugu jira xabsi iyo ganaax ku riday wariye Gurbiye…


Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafatiraha guud ee Warbaahinta Goobjoog ee xarunteedu tahay Muqdisho.

Wariye Gurbiye oo dacwada loo heystay soo martay heerar kala duwan, waxaana Wariyaha ugu dambeyn Maxkamada gobolka Banaadir ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 5 Million oo Shillin Soomaali ah.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo ku saabsan faafinta wararka been abuurka ah .

Xukunkan xabsiga ah ee lagu riday Wariye Gurbiye ayaa Maxkamada Gobolka Banaadir sheegtay in uu iibsan karo, waxa ayna u badnaan doontaa in Wariye Gurbiye uusan xabsi gali doonin taa badalkeedana iibsan doono xukunka xabsiga ah.

Wariye Gurbiye ayaa la xiray 14-kii bishii April ee sanadkan kadib markii uu wax ka qoray Madaxweynaha Soomaaliya, mana cada ilaa hada cida sida rasmiga ah usoo eedeysay Wariye Gurbiye oo maalmo xirnaa balse markii dambe damaanad lagu sii daayay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: