Wararka

Wasiir Xamza Siciid ayaa shaaciyay in khasaaro nafeed uu ka dhashay roobab dabeylo…


Wasaarada arrimaha gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, ayaa shaacisay khasaare nafeed oo ka dhashay Roobab dabeylo watay oo ku dhuftay xeebaha koonfureed ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaraddaas Xamza Siciid Xamza ayaa sheegay in Doon ay saarnaayeen 19 qof oo shil ku gashay badda ay sababtay geerida hal qof, saddex dhaawac ah iyo 6 kale oo la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in saddex dhalinyaro oo kale ay ku dhinteen xeebta Liido, iyadoo baddu la tagtay.

Arrimahan ayaa dhacay iyadoo dowladdu digniin ka bixisay khatar ka dhalan karta roobab iyo dabeylo iswata oo ku dhuftay xeebaha koonfureed ee Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in cimiladu sheegayso in roobab culus oo dabaylo sita ay kusoo wajahan yihiin qeybo kamid ah dalka, isagoo dadka kula taliyay inay ka feejignaadaan.

Roobabkaas ayaa xalay laga dareemay gobolada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo lagu jiro xilli xagaa ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: