Wararka

Mareykanka ayaa sheegay in 12 kun oo askari kala baxayo dalka Jarmalka taas oo lagu tilmaamay…


Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 12 kun oo askari ay kala baxeyso dalka Jarmalka, taas oo xukuumadda Washington ay ku sheegtay “istaraatijiyad dib loogu habeynayo ciidamadeeda ku sugan Yurub”.

Ciidamo gaaraya 6,400 askari ayaa dib loogu celin doonaa Mareykanka, halka kuwa kalena la geyn doona dalalka kamid ka ah gaashaanbuurta NATO sida Talyaaniga iyo Belgium-ka.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in sababtu ay tahay Jarmalka oo ku guuldareystay hadafkii NATO ee dhanka difaaca.

“Mardambe ma dooneyno in aan aragno kuwa jiqaya dhiiggeena,” ayuu Mr Trump waxyar kadib markii lagu dhawaaqay go’aanka.

“Waxaanu yareneynaa ciidamadeena jooga Jarmalka sababtoo ah ma bixiyaan kharashaadka ku baxa.”

Haseyeeshee arrintan ayaa cambaareyn xoogan kala kullantay mucaaradka Mareykanka ee aqalka Kongreska, kuwaas oo sheegay inay fursad u abuureyso Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa in muddo ka cabanayay xubnaha NATO ee Yurub oo uu sheegay in looga baahan yahay inay bixiyaan kharashka iyaga lagu difaaco.

Waxaa uu sheegay in dalalka xubnaha ka ah NATO aanay aad ugu tiirsanaanin Mareykanka.

Dooda u dhaxeysa xulafada ayaa ah midku qottonta hadafkii ay ku heshiiyeen ee ahaa in dal walba uu ku bixiyo kharashaadka dhanka difaaca 2 boqolkiiba kobaca dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah NATO marka la gaaro sanadka 2024.

Dalal uu Jarmaka kamid yahay ayaanan soo buuxin shuruudahaas.

Wasiirka difaaca ee Mareykanka Mark Esper ayaase sheegay qorshe ka duwna sida Trump uu u hadlay. Wuxuu sheegay in sababtu ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo dib loogu habeynayo ciidamada Mareykanka ee gobolka.

Waxaa uu yiri “waa istaraatijiyad ballaaran oo looga guul gaari doona mabad’iida Mareykanka iyo NATO ee ku aadan Ruushka”.

Qorshahan ayaa la filayaa in ballaayiin dollar ay ugu kici doonta Mareykanka, ayna yareyn doonta joogitaankii ciidamada Mareykanka ee Jarmalka boqolkiiba 25.

Mr Esper, wasiirka difaaca ayaa shegay in diyaaradaha dagaalka loo wareejin doona Talyaaniga, halka ciidamadana la geyn doona dalka Poland.

Saraakiil sarsare oo katirsan Jarmalka ayaa walaac ka muujiyay tallaabada Mareykanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: