Wararka

Rashid al-Ghannouchi ayaa ka badbaaday mooshin xilka looga tuuri lahaa dalka Tunisiya…


Natiijada codbixintii baarlamaanka Tunisiya ayaa maanta horseeday in xildhibaanadii doonayey inay kalsoonida kala laabtaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Rashid Ghannouchi ay ku fashilmeen in ay ridaan, waxaa gudaha Baarlamaanka ka dhacay dabaaldegyo kadib markii natiijada lagu dhawaaqay.

Xildhibaanada rabay in ay ridaan Ghannouchi ayaa helay 97 cod oo keliya, taas oo aan ku filnayn in ay iska hor leexiyaan Guddoomiyahooda.

Codbixin qarsoodi ah ayaa lagu qabtay baarlamaanka iyadoo laga rabay mucaaradka Guddoomiyaha inay helaan 109 cod si ay u tuuraan, taas oo la micno ah in Ghannouchi uu sii wadan doono howshiisa.

Weriyaha wakaalada wararka ee Anatolia ayaa soo wariyay in guddiga kormeerka codbixinta ay bilaabeen inay u yeeraan xildhibaanada si ay codkooda ugu ritaan sanduuq la dhigay bartamaha hoolka.

Sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah, ciidamada nabadgelyada waxay adkeeyeen joogitaankooda agagaarka xarunta baarlamaanka ee caasimada, waxayna xireen waddooyinka soo gala golaha.

Sida uu qabo dastuurka iyo shuruucda gudaha ee Baarlamaanka Tunisiya, meel-marinta mooshinka ayaa u baahan helitaanka aqlabiyad buuxda oo ah (109 guud ahaan 217 wakiil).

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12194 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: