Wararka

Xubno ka mid noqonaya golaha adeegga garsoorka iyo maamulka hey’adda Batroolka oo la meel…


Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyay shanta xubnood ee bannaanka ka imaanaya oo kamid noqonaya golaha adeegga garsoorka dalka.

Xubnaha goluhu ansixiyay ayaa kala ah Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi, Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis), Cabdullaahi Cali Cismaan, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani) iyo Ifraax Maxamuud Cumar

Shirka oo uu guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu ansixiyay sideed xubnood oo kamid ah 9-ka Xubnood ee Maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Xubnaha maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed ee goluhu meel mariyay ayaa kala ah: Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye), Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen), Ibraahim Axmed Leyte (Xubin), Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin), Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin), Axmed Xaaji Cabdi (Xubin), Cabdixaafid Cali Dirir (Xubin) iyo Mahad Maxamed Sh. Xasan (Xubin).

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11786 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: