Wararka

Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa laga saaray Isbitaalka King Faisal oo qalliin…


Boqorka dalkaasi Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa laga saaray Isbitaalka King Faisal ee caasimadda Riyadh kadib markii uu ku jiray halkaasi muddo 10 casho ah islamarkaana qalliin loogu sameeyay looga saaray xameytida.

Boqor Salmaan oo 84 jir ah ayaa muuqaal laga duubay xilligii uu Isbitaalka kasoo baxayay muujinayay isaga oo cagahiisa ku soconaya islamarkana ay wehliyaan xubno ka tirsan qoyskiisa oo uu ku jiro wiilkiisa amiir Mohammed bin Salman.

Soo bixitaanka boqorka oo kusoo beegantay maalinta koowaad ee ciidul Adxaa ayaa waxaa uu qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay shacabkiisa iyo dhammaan ummadda Islaamka munaasabadda ciidul Adxaa, waxaa uu sidoo kale Allah uu uga baryay dalkiisa iyo guud ahaan caalamka in uu ka dul-qaado aafada cudurka coronavirus oo adduunka kala xiray, saameyn ballaarana u geystay.

Boqorka ayaa ku tukubayay ul bakoorad ah, sida caadada u aheydba.

Boqor Salman, ayaa ah boqorkii labaad ee mid ka mid ah dalalka Khaliijka oo labadii todobaad ee u dambeeyay Isbitaal la dhigo, kadib markii Amiirka 91-jirka-ah ee dalkaasi Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah isna sidoo kale la dhigay Isbitaal.

Boqorka ayaa dalka Sacuudiga xukumayay tan iyo sannadkii 2015-ka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: