Wararka

Dowlada Mareykanka ayaa qorsheyneysa in dalkeeda ka mamnuucdo isticmaalka App-ka TikTok…


Dowlada Mareykanka ayaa qorsheyneysa in dalkeeda gabi ahaanba ka mamnuucdo isticmaalka App-ka shabakada Muuqaalada gaagaaban lagu baahiyo TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha .

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in dalkiisa ka mamnuucayo shabakada TikTok, waxa uuna Warbaahinta u sheegay in dhawaan uu saxiixayo amar hawada looga saarayo Shabakada TikTok gudaha Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa la sheegay in ay ka cabsi qabto in shabakada TikTok oo leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance, loo isticmmaali karo in lagu uruuriyo macluumaadka iyo xogaha gaarka ah ee dadka kunool Mareykanka.

Afhayeen u hadlay TikTok ayaan waxbo kasoo qaadin amarka Trump ku mamnuucayo TikTok, waxa uuna sheegay in shirkadda ay ku kalsoon tahay horayna ugu kalsoonayd iney ka gun gaari doonaan hadafkoodii ahaa inay Mareykanka ka helaan macaamiil badan.

Shabakada TikTok ayaa dadka isticmaala gudaha Mareykanka lagu sheegay in ay gaarayaan 80-Milyan oo qof, waxaana mamnuucida Mareykanka TikTok ku yeelan doontaa saameyn xoogan.

Mamnuucida TikTok ee dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadeysa xili uu sii kordhayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, waxaana la sheegay in khilaafka labada dal sabab u noqonayo in Mareykanka dalkiisa ka manuuco shabakadan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: