Wararka

Nabaddoonada Gobolka Mudug ayaa diidey kulan uu ku casuumay M/weynaha Puntland…


Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ku eedeeyay nabaddoonada gobolka Mudug inay diideen inay ka qeyb qaataan kulan ku saabsanaa xoojinta amniga Gaalkacyo oo uu ku casuumay madaxweynaha Puntland.

“Maalin dhowayd waxaan maqlay in madaxweynuhu qabtay shir uu isugu yeeray nimankaan nabaddoonada ah, shirkii waa la tegi waayay. Waxaasi wax ku haboon ma ahan,” ayuu yidhi Cabdiweli Gaas.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo nabaddoonada lagu xaman jiray inay cabsi ay ka qabaan Alshabaab ugasoo muuqan jirin kulamada amniga looga hadlayo.

Tiro badan oo kamid ahaa nabaddoonada gobolka Mudug ayaa Gaalkacyo lagu dilay illaa sanadkii 200, intooda badan waxay ahaayeen kuwii hormuudka u ahaa nabada waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: