Wararka

Cabdicasiis Lafta-gareen oo xil ka qaadis ku sameeyay wasiiro, kuwa kalana magacaabay…


Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” ayaa xil ka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah xubnaha Golaha wasiirradiisa, isagoo kuwa kalana magacaabay.

Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa loo magacaabay Marwo Fahiima Cumar Cismaan. Halka sidoo kale wasiirka wasaaradda Boostada iyo Is-gaarsiinta loo magacaabay Aways Cusmaan Xasan, waxaa sidoo kale xilka wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta loo magacaabay Salaax Sayid Shariif.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa goor hore xilkii ka qaaday wasiirkii wasaaradda warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Lama oga waxyaabaha uu salka ku hayo is-bedalka lagu sameeyay qaar kamid ah xubnaha Golaha wasiirrada ee Dowlad Goboleedkaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: