Wararka

Hay’adda duulista rayidka Tanzania ayaa dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha Kenya Airways…


Hay’adda duulista rayidka ah ee waddanka Tanzania (TCAA), ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay dalkeeda uga mamnuucday duullimaadyadii diyaaradda Kenya Airways ay dib uga billaabi laheyd.

Go’aanka Tanzania ayaa sal u ah heshiiska faa’ido is-dhaafsiga duullimaadyada, waxaana qoraalka lagu sheegay in hakinta ay sii socon doonto illaa iyo inta ogeysiin kale oo lagu fasaxayo diyaaraddaasi la soo saari doono.

“Waxay dowladda idinku war-gelineysaa, iyadoo heshiiska faa’ido is-dhaafsiga duullimaadyada la eegayo, in Tanzania ay go’aansatay in la laalay dhammaan oggolaashiyahii duullimaadyada diyaaradda Kenya Airways ee ahaa Nairobi/Dar es salaam /Kilimanjaro/Zanzibar, ee billaaban lahaa 1-da, bisha August ee sanadkan, illaa iyo inta uu amar dambe kasoo baxayo” ayaa lagu yiri warka uu soo saaray maareeyaha hay’adda duullimaadyada waddankaas Hamza S.Johari.

Ammarkaan ka yimid Tanzania ayaa daba socda markii dhowr dal oo loo oggolaaday in duullimaadyadoodii Kenya lasoo celiyay, waddamadaas kuma jirto Tanzania.

Billowgii Isbuucaan wasiirka gaadiidka Kenya James Macharia ayaa sheegay in keliya Kenya ay u fasaxday dalkeeda, duullimaadyada uga imaan kara dalalka Uganda, Rwanda, Namibia, Switzerland, Morocco, dalka Mareykanka gaar ahaa Gobollada “California, Florida, iyo Texas”,

Waxaana shuruudaha kale ee Kenya ay bixisay kamid ahaa in rakaabka diyaaradahaas ay la soo galaan dalkeeda warqadaha caddeynaya in aysan qabin xanuunka Covid-19, waxaana loo oggolaan doonaa in gelitaanka waddankaasi dadka heer kulka jirkooda uu ka hooseeyo 37.5 degree.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11372 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: