Wararka

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaaladiisa gobolka Jubbada…


Howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya qaybtiisa Danab ka fuliyeen degaanka Koban ee Gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab iyo ilaalo la socotay.

Taliyaha guutada 16-aad Ciidanka Kumaandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay inay howlgalkooda ku dileen Sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Garweyne iyo afar ilaaladiisa ka tirsanaa.

G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa dhinaca kale sheegay inay wadada u dhexeysa Jamaame iyo Kismaayo kasoo saareen Miinooyin ay galiyeen Al-Shabaab, si ay ugu dhibaateeyaan dadka Shacabka ah.

Ciidamada Danab ee Maraykanku tababaray ayaa gobolada dalka qaarkood ka wada howlgalo Al-shabaab, iyagoo kala wareegay bilihii la soo dhaafay degaano badan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10969 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: