Wararka

Kooxda Arsenal ayaa ku guuleysatay koobka FA Cup-ka Ingriiska markii 14aad, kadib markii…


Xiddiga kooxda Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa mar kale ugu shaqeeyey sixirkiisii ​​Wembley iyada oo gool dhalintu ay ku hormartay Chelsea isla markaana Arsenal ku guuleystay FA Cup markii 14aad.

Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaartii finalka aheyd ee Koobka FA Cup Ingriiska shan daqiiqo gudaheed markii uu si xarago leh u dhameystiray goolka Christian Pulisic laakiin hadana waxaa kala tuuray farxadii Chelsea laacibka Aubameyang, kaasoo sidoo kale ahaa geesiga Arsenal markii uu labo gool dhaliyay kulankii semi-finalka ee ay kaga badiyeen kooxda Manchester City.

Weeraryahanka reer Gabon ayaa barbareeyay ciyaarta kadib markii kooxdu heshay rigoore oo khaladkeedu lahaa kabtanka Chelsea Cesar Azpilicueta, wuxuuna si xarago leh u dhaliyey goolka, iyadoo ay aheyd markii ugu horeysay ee garoon maran lagu ciyaaro FA Cup finalkiisa.

Kooxda Blues-ka ayaa u dagaalamay sidii ay uga gudbi lahaayeen dhacdadan, laakin nasiib daro Aubameyang ayaa awooday inuu koob farta ka saaro tababaraha cusub Mikel Arteta oo ah xilli ciyaareedkiisa ugu horeeyey oo tababare ka ah kooxda Gunners markii uu dhaliyey goolkiisii labaad.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10970 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: