Wararka

Muwaadiniin ku xanibnaa dalka Iran oo DFS ku guuleysatay in dalka dib ugu soo celiso…


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa Dalka Iran kuwaasi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintaan oo maanta saxaafada kula hadlay garoonka Aadan Cadde waxay sheegeen inay dhowr billood ku xayirnaayeen dalka Iiraan markii xabsiyada laga soo daayay, sababo la xiriirta covid-19.

Waxay muddo sanad iyo ka badan ku xirnaayeen dalka Iiraan, hase yeeshee dadaal dheer oo ay Dowladda Federalka sameysay ayaa lagu guulaystay in ay dib u helaan xoriyadooda.

Waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay kusoo laabtaan ciidooda ayna dareemayaan in isbedel dowladdeed oo ka duwan markii ay dalka ka tagayeen.

Muwaadiniintan waxay qeyb ka yihiin kuwo badan oo dalka dib loogu soo celiyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10966 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: