Wararka

RW Finland Sanna Marin ayaa la aqal gashay seygeeda oo muddo 16 sano ah ay wadajireen…


Rai’isul Wasaaraha dalka Finland Sanna Marin ayaa maanta la aqalgashay seygeeda Markus Räikkönen oo ay muddo 16 sano ah wadajireen.

War ka soo baxay dowladda maanta oo Axad ah ayaa lagu sheegay in Xafladda aroosku ay ka dhacday Sabtidii shalay ahayd Kesäranta (Guriga dowladda ee Ra’iisal wasaaraha Finland). Xafladda arooska ayaa waxaa ka soo qaybgalay qoysaska, qaraabada iyo asxaabta lamaanahan arooska ah.

“Waxaan lamaanaha cusub ee is-guusraday, Sanna iyo Markus u diraynaa hambalyo qalbiga ka soo go’day” ayaa lagu yiri qoraal la xiriira Aqalgalka lamaanahan oo la soo dhigay barta Twitterka ee Xisbiga Social democrats-ka ah ee haya talada dalkaas.

Rai’isal wasaare Sanna Marin oo dareenkeeda cabbiraysa ayaa iyaduna barteeda Instagramka soo dhigtay hadalkan ”Waxaa nasiib iyo farxad ii ah in aan noloshayda la wadaago qofka aan jeclahay”.

Lamaanahan oo maanta si rasmi ah u aqalgalay ayaa waxay leeyihiin gabar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11372 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: