Wararka

Siciid Deni oo ka hor yimid magacaabida Guddiga Addeega Garsoorka ee Somalia oo ay…


Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu meesha ka baxay qadarintii iyo wanaagii uu u hayay Dowladda Federalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu bareerahiisa la tegi doono Dhuusamareeb.

“Shalay Dhuusamareeb markaan tagaynay waxaan Dowladda Federalka u haynay wanaag iyo qadarin, laakiin hadda waxaan isla xisaabtan ahayn nagama dhexeeyaan, Dowlad walba waa inay bareeraheeda dhiibato,” ayuu yidhi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay xukuumada xasaanada lagala noqday inay ku dhaqmayso tallaabooyin sharci darro ah oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed.

Deni ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay guddiga addeega garsoorka Soomaaliya oo ay ansixeen xukuumada xil kusimaha ah, wuxuuna sheegay inay tahay khalad cad oo indhaha laga fiirsanayo.

“Anigu dhihi maayo Dowlad Federalka, waxaan dhahayaa madaxweyne Farmaajo dalkaan dib ha ugu celin wixii kasoo kabtay”.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ka sheegay xuska sanad guurada 22-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay dowlad goboleedka Puntland.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11803 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: