Wararka

Danjiraha Ingriiska ee Somalia ayaa sheegay in la joogo xilligii Soomaalidu ay go’aamin…


Danjiraha dalka Ingriiska u fadhiya Muqdisho Ben Fender ayaa sheegay in la joogo xilligii Soomaalida ay go’aamin lahaayeen hoggaanka ay doonayaan, marka laga hadlayo nooca iyo qaabka ay noqon doonto doorashada soo socotana.

Wuxuu yiri “Waxaan xushmeyneynaa madax-bannaanida Soomaaliya, cidda hoggaamineysa iyo ka shaqeynta doorashadaba waxaa go’aankeeda leh Soomaalida oo keliya” ayuu Fender ku yiri muuqaal laba daqiiqo ah uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka Arbacadii lasoo dhaafay.

Dhowr bilood ayaa ka haray doorashooyinka dalka, gaar ahaan Baarlamanka iyo tan madaxweynaha oo la qorsheynayo in la qabto 8-da, bisha February, sanadka 2021-ka. Hase-ahaatee xisbiyada mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa dowladda ku qasbaya inay la qaadato nooc doorasho, si looga fogaado muddo kororsi.

Guddiga doorashada ayaa horay u codsaday 70 milyan oo dollar, si loo qabto doorasho dadweyne, taas oo ka bedalan tii dhacday dhammaadkii 2016-kii iyo billowgii 2017-dii, oo la aaminsanyahay in musuq maasuq badan uu hareeyay.

Danjiraha dalka Ingriiska ee Soomaaliya Fender ayaa waxa uu sheegay iney kusoo noq-noqdeen su’aalaha la xiriira halka dowladdiisa ay ka taagantahay doorashooyinka Soomaaliya, hase-ahaatee ay jawaabtu tahay in go’aanku ay Soomaalidu leeyihiin.

Dhinaca kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida, inay ka dhabeeyaan fulinta ballamihii shirkii ka dhacay Dhuusamareeb.

Hadalka safiirka UK ee Soomaaliya ayaa yimid xilli si weyn indhaha loogu hayay aragtida beesha caalamka ee xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli dalka uu hadda galay marxalad kala guur ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: