Wararka

Haweeneydii ugu mudada dheereyd inta qaliin wejiga looga bedelay ayaa geeriyootay…


Connie Culp oo ahayd haweeneydii ugu horreysay oo Mareykan ah oo wajiga qaliin looga bedelo ayaa waxay ku dhimatay 57 jir ka dib 12 sano markii qalliinka lagu sameeyey, waxay noqotey qofkii ugu mudada dheeraa ee noolaa intii martay qaliinka waji bedelka marka loo eego labo xaladood oo kale oo ka horeeyey, kii ugu horeeyey oo Fransiiska ahaa iyo kan labaad oo Shiinaha ahaa.

Culp ayaa la kulantay cilad weyn oo dhinaca wejiga ah sanadkii 2004tii kadib markii rasaas uu ku furay ninkeeda oo isku dayey inuu dilo ka hor inta uusan isku jeedin hubka, laakiin waxaa soo gaadhay dhaawacyo aan aad khatar u aheyn, markii dambena waxaa lagu xukumay toddoba sano oo xabsi ah.

Shilkaas kadib, Culp ayaa waxa ay gashay 30 qalliin, hadaba sanadkii 2008-dii waxa ay gashay qaliin dhib badan oo socday 22-saacadood oo loogu bedelayey wejiga, iyadoo 80% wejigeeda la beddelay.

Sawir kayd ah oo wajiga Connie Culp ka hor inta ninkeedu aanu bedelin wejigeeda sanadkii 2004tii

In kasta oo aan la shaacin sababta dhimashada Culp, haddana Cleveland Clinic oo ku yaala Ohio, oo ay ku qaadaneysay daryeelka ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku qoray: “Waannu ka murugeysanahay dhimashada Connie Culp, oo aheyd qofkii ugu horreeyay ee wejiga looga bedela Mareykanka. Waxay dhamaanteen noo ahayd dhiirrigelin.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: