Wararka

Diyaarad Military oo ah nooca xamuulka ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha Dhoobley…


Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shil diyaaradeed oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Diyaaradan oo ah nooca xamuulka qaado oo ay lahaayeen milatariga Kenya ayaa bur burtay xili garoonka diyaaradaha Dhoobley ay ka degeysay, walina lama oga sababta rasmiga ah ee shilkaasi keentay.

Dadka ku dhaqan Dhoobley ayaa sheegay in diyaarada bur burtay uu dab qabsaday markii ay garoonka kusoo dageysay, waxaana shilkaasi bur bur xoogan uu kasoo gaaray diyaaradaha ay lahaayeen Milatariga Kenya.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay shilkaasi diyaaradeed halka seddax kalana ku dhaawacmeen, waxaana milatariga Kenya bilaabeen baaritaano ku aadan sababta shilkaasi.

Diyaarado ay leeyihiin milatariga dowlada Kenya ayaa saanado kala duwan u geeya ciidamada Kenya ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga qeybo kamid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: