Wararka

Shan qof oo ku eedeysan in siyaabo kala duwan u dileen labo qof ayaa la horkeenay Maxkamada CXD…


Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubaland ayaa waxaa maanta la horkeenay shan nin oo ku eedeysan dil, kuwaa oo saddex ka mida ay ka tirsan yihiin Ciidanka Booliska Jubbaland.

Saddexda askari ee la soo eedeeyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Yuusuf Xuseen Xasan, Cabdiqafaar Bishaar Xasan iyo Bille Buraalle Dhaqane, waxayna ku eedeysan yihiin inay dileen nin xoogsato ahaa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Nuur Maxamed Cabdulle ayay Maxkamadda Ciidamada ogaatay inuu u geeriyooday jirdil ay u gaysteen saddexdaasi askari.

Dhanka kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Xarunteeda Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta la horkeenay Faarax Cabdirashiid Cilmi iyo Maxamed Rashiid Maxamuud oo ku eedeysan kiis dil ah.

Labadan nin ayaa lagu soo eedeeyay inay marxuum Cabdifataax Maxamed Maxamad ku dileen deegaanka Unguni ee miyiga Magaalada Kismaayo.

Garsooraha Maxkamadda Militariga oo dhageysiga maxkamadeynta eedeysanayaasha soo xiray ayaa u ballamay kulan kale oo horey loogu sii amba qaadi doono maxkamadeyntooda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11805 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: