Wararka

Warbixin la hordhigay Golaha Ammaanka QM ayaa lagu sheegay in Waqooyiga Kuuriya uu ku…

North Korean leader Kim Jong Un speaks at an event to confer "Paektusan" commemorative pistols to leading commanding officers of the armed forces on the 67th anniversary of the "Day of Victory in the Great Fatherland Liberation War", which marks the signing of the Korean War armistice, in this undated photo released on July 27, 2020 by North Korean Central News Agency (KCNA) in Pyongyang. KCNA via REUTERS

Sida ku qoran warbixin la hordhigay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in dalkaasi Waqooyiga Kuuriya uu ku guuleystay sameysashada hub nukliyeer ah oo yar kaas oo ay ku xiri karaan madaxa gantaalaha dheereeya ee uu waddankaasi leeyahay.

Warbixintan ayaa la hordhigay 15-ka dal ee joogtada Golaha Ammaanka, waxaana soo diyaariyay guddi loo xilsaaray la socoshada dhaq-dhaqaaqa hubka nukliyeerka Waqooyiga Kuuriya iyo cunaqabateynta saaran dalkaasi.

Waqooyiga Kuuriya ayaanan wax hub ah oo la xiriira atomka tijaabinin tan iyo bishii september ee sannadka 2017.

Sannadkii 2006 ayay Golaha Ammaanka kusoo rogeen cunaqabateyn dalkaasi Waqooyiga Kuuriya kaas oo asal u ah barnaamijka nukliyeerka ee uu dalkaasi sida qarsoodiga ah u watay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: