Wararka

Wasiir Beyle ayaa shuruud ku xiray bixinta lacag gaareysa Nus milyan dollar oo wax looga…


Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shuruud ku xiray bixinta lacag gaareysa Nus milyan dollar oo loogu tala galay in wax looga qabto fatahaada degmada Afgooye.

Lacagtan ayaa waxaa amar ku bixiyay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxa uuna Wasiirka faray in lacagtaasi si deg deg ah ku bixiyo si wax looga qabto xaalada adag ee ka taagan qeybo kamid ah degmada Afgooye.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtan gaareysa Nus milyanka dollar aysan bixin doonin haddii aan la helin hanaan cad oo looga hortagi karo in lacagtaasi la musuq maasuqo.

Waxa uu sheegay wasiirka maaliyadda in loo baahan yahay in la helo guddiyo ka shaqeeya arrimaha gar gaarka degmada Afgooye iyo maamulka Koonfur Galbeed oo aamin ah si lacagtaasi loogu wareejiyo .

Lacagta loogu tala galay gurmadka degmada Afgooye ay saameyn xoogan ku yeelatay fataahada degmada Afgooye ayaa laga cabsi qabaa in la musuq maasuqo kuna dhacdo jeebka shaqsiyaad gaar ah halkii lagu caawin lahaa dadka u baahan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: