Wararka

Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weerartay xerada Ciidamada ee deegaanka Dooynuunaay…


Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in maanta uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Dooynuunaay, oo 25km dhanka bari kaga toosan Magaalada Baydhabo.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii maleeshiyada Ururka Al Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Xerada Ciidamada Dowladda ku leeyihiin deegaankaasi.

Ciidamada Dowladda oo dhawr jeer ka hortagtay in xerada lagala wareego ayaa markii dambe dib uga soo baxay xeradaasi, oo ay la wareegeen maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidan gurmad ahaa oo laga diray Magaalada Baydhabo ayaa loo galay inta u dhaxeyso Baydhabo iyo Dooynuunay. Iska horimaadkan oo ku bilowday qarax lala eegtay mid ka mid ah gaadiidkii gurmadka ahaa ee ay ciidanku wateen ayaa waxa uu isu bedelay mid fool ka fool ah.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dagaalkaasi lagu dilay Saraakiil Militariga Somalia ka tirsanaa, oo gurmad ahaan uga baxay Baydhabo.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dileen Saraakiil iyo askarba, isla-markaana ay la wareegeen gacan ku haynta Xerada Dooynuunaay.

Ciidamada Dowladda ayaa mar dambe dib ula wareegay gacan ku haynta Xerada Dooynuunay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: