Wararka

AUN Drs Xaawo Cabdi oo aheyd Dhakhtarad caan ah ayaa ku geeriyootay magaalada…


Allaha u naxariistee waxaa saakay magaalada Muqdisho ku geeriyootay Drs Xaawa Cabdi Dhiblaawe oo aheyd dhakhtar caan ka aheyd guud ahaan gayiga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dhakhtarada ayaa la sheegay in ay u geeriyootay saakay xanuun deg deg ah oo xalay kusoo booday, waxaana geerida dhakhtarada aad uga naxay dad badan oo Soomaaliyeed oo aqoon badan u lahaa .

Geerida Drs Xaawo Cabdi waxaa ka tacsiyadeeyay dad badan oo isugu jira masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka, siyaasiyiin, dhakhaatiir iyo dad kale oo bulshada Soomaaliyeed magac iyo maamuus ku leh.

Drs Xaawo Cabdi ayaa aheyd dhakhtarad dadka Soomaaliyeed usoo shaqeysay xiliyo adag oo baahi badan loo qabay, waxa ayna laheyd isbitaal weyn oo kuyaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Waxay kasbatay quluubta dad badan oo dan yar ahaa oo u bahnaa gargaar caafimaad iyo mid nololeedba. انا لله وانا اليه راجعون

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11789 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: