Wararka

Masar ayaa isaga baxday wadahadallo lagu soo afjari lahaa muranka ka dhashay biyo xireenka…

FILE PHOTO: A handout satellite image shows a view of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) and the Blue Nile River in Ethiopia June 26, 2020. Picture taken June 26, 2020. Satellite image ©2020 Maxar Technologies via REUTERS

Masar ayaa isaga baxday wadahadallo hor leh oo la doonayay in lagu soo afjaro muranka ka dhashay biyo xireenka weyn ay Itoobiya ka dhiseyso Webiga Nile.

Khilaafkan ugu dambeeyay ayaa ku saabsan tallaabooyin cusub oo ay soo jeedisay Itoobiya oo ku aadan buuxinta biyo xireenka.

Sudan ayaa sidoo kale ku hanjabtay inay isaga bixi doonto wadahadallada isla markaana sheegtay in Itoobiya ay ku adkeysaneyso inay ku lug lahaato wadahadallada ku saabsan qeybsiga biyaha Nile.

Wasiirka waraabka iyo biyaha Sudan, Yaasir Cabbaas ayaa sheegay inay soo gaartay warqad ka timid Itoobiya oo qeexeysa tallaabooyinka ay soo jeediyeen.

Itoobiya waxay ku faraxsan tahay biyo xireenka buuxsamay xilli roobabka ay bishii Juun ka bilowdeen halkaas balse waddamada Masar iyo Sudan ayaa ka walaacsan saameynta ka dhalan karta arrintaas maadama dadkooda ay ku tiirsan yihiin biyaha Webiga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: