Wararka

Qaraxii xooganaa ee ka dhacay Beirut ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac…

This photo shows a general view of the scene of an explosion that hit the seaport of Beirut, Lebanon, Wednesday, Aug. 5, 2020. A massive explosion rocked Beirut on Tuesday, flattening much of the city's port, damaging buildings across the capital and sending a giant mushroom cloud into the sky. (AP Photo/Bilal Hussein)

Warbaahinta caalamka ayaa aad u tabineysa qaraxyadii xooganaa ee xalay ruxay magaalada Beirut ee caasimada dalka Lubnaan, qaraxyadan ayaana dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha dalka Lubnaan Michel Aoun ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaalay goobta uu qaraxyadu ka dhaceen.

Waxa uuna sheegay Madaxweynaha dalka Lubnaan in ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sababaha dhaliyay qaraxaasi khasaaraha xoogan gaarsiiyay, waxa uuna ugu baaqay shacabka dalkiisa in ay is dejiyaan una gurmadaan dadka dhaawacmay.

Qaraxyada xalay ka dhacay magaalada Beyrut ayaa sababay dhimashada dad ka badan 100-qof halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 4-kun oo qof, waxaana laga cabsi qabaa in ay kasii kordhaan khasaaraha inta hadda la ogyahay.

Smoke rises after an explosion was heard in Beirut, Lebanon August 4, 2020. REUTERS/Issam Abdallah

Bur burka dhismayaasha uu sababay qaraxan ayaa wali laga soo saarayaa dad ku hoos jira, waxaana xalay ilaa saakay kooxaha gurmadka wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan dad ku dhintay qaraxyada iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: