Wararka

Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in ay muhim tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah…


Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Hadalkaan ayaa waxa uu jeediyay mar uu ka hadlayay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Dooynuunaay ee Gobolka Bay.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

“Waxaan aad uga xunnahay dhibaatadii soo gaartay ciidamadeenna, waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen askartii dhimatay, waxaana muhiim ah in loo midoobo dagaalka Al-shabaab” ayuu madaxweyne Laftagareen u shegay warbaahinta.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa uu sidoo kale ugu baaqay in ciidamada iyo shacabka deegaanka ay muhiim tahay in la iska kaashado arrimaha nabad-gelyada oo si dhow loo baahanyahay inay u wada shaqeeyaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12194 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: