Wararka

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo Al Shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceel Jaalle…


Deegaanka Ceel jaalle ee duleedka magaalada Marka ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab, sida Warbaahinta ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa waxa uu bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen deegaankaas, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare, balse weli si dhab ah looma xaqiijin karo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa waxay tilmaameen inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, waxayna intaa ku dareen in dagaalka ay ku dileen sargaal sare oo ka tirsan dhinaca weerarka soo qaaday, balse wax tafaasiil ah oo intaas dhaafsiisan ma bixin.

Ma jiraan warar arrintaasi ku saabsan oo kasoo baxay Al-Shabaab. Laakin waxa uu kusoo aadayaa xilli shalay ciidamo ka tirsan dowladda iyo Al-Shabaab ay ku dagaallameen deegaanka Dooynuunaay ee Gobolka Bay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: