Wararka

Michelle Obama ayaa sheegtay in nolosheeda xiligan la soo deristay walwal oo habeenkii…


Michelle Obama oo ah xaaska Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegtay in nolosheeda xiligan lasoo darsay walwal sababay in habeenkii xili dambe ay hurdada kasoo toosto.

Waxa ay sheegtay Michelle Obama walwalka lasoo darsay in uu ka dhashay xayiraada uu keenay cudurka Coronavirus iyo sidoo kale cadaalad darada ku saleysan midabka gaar ahaan xadgudubyada lagula kacayo dadka madowga ah.

“Waxaan soo kacaa habeenkii xilli dambe, sababtuna waxa weeye in aan ka walwalayo wax culeys igu hayo, ma ahan oo keliya in aan ka walwalsanahay xayiraadda dhanka socdaalka ee feyraska corona ee sidoo kale waxaan ka niyad jabsanahay dhibaatada midabka ku saleysan oo maamulka madaxweyne Trump uu indhaha ka daawanayo har iyo habeen, waana waxa sii murjineysa walwalka aan qabo” ayay tiri Michelle Obama.

Xaaska Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sheegtay in waxa walwalka nolosheeda lasoo darsay kusoo kordhiyay tahay cadaalad darada iyo eedaha aan jirin ee dusha laga saaro dadka madowga ah .

“In mar walba aan aragno qof madow ah oo la bahdilay, eedeyn aan jirinna dusha loo saarinayo waa waxyaabaha walwalka igu beeray, waxay taasi keentay in culeys aan noolasheyda i fuulin aan dareemo, ayey intaa raacisay Michelle Obama.

Michelle Obama ayaa marar badan ku dhaleeceysay maamulka Madaxweyne Trump in uusan waxba ka qaban cadaalad darada iyo midab kala sooca, waxa ayna sheegtay in Madaxweynaha naftiisa qeyb ka yahay ficilada xun xun.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11790 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: