Wararka

Dad careysan ayaa magaalada Beirut ka bilaabay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowlada…


Dad careysan ayaa Magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan ka bilaabay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaas.

Dowladda ayaa lagu eedeeyay in aysan si wanaagsan u maareynin musiibadii dhacday, Waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalada oo ay kamid yihiin kuwa gala dhismaha baarlamaanka la dhigay ciidamo, kuwaasoo suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dadka isku soo baxay

Shacabka ayaa ka careysan qaraxyadii waaweynaa ee dhacay maalintii talaadada, kuwaa oo saraakiisha dalkaas ay sheegeen in uu ka dhashay 2,750 tan oo maadada ammonium nitrate oo si aan wanaaganeyn ugu keydsanaa bakhaar ku yaala dekedd muddo lix sanadood ah

Dad badan oo reer Lubnaan waxay aaminsan yihiin dayac dowladda ka yimid ay sabab u ahayd qaraxyadan ay ku dhiteen 137 qof halka shan kun oo kalena ay ku dhaawacmeen iyo qaar kale oo badan aan lagu heynin raq iyo ruux.

Waxaa biyo lagu seyriyey wasiirada cadaalada ee Lubnaan oo booqasho ku tagtay goobaha lagu hoobtay meel ka mid ah, waxaana si khasab ah looga saaray aagaasi.

Axadda soo socota ayaa lagu wadaa in dalkaas ay ka dhacaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda, waxaase aan la ogeyn sida dibadbaxayadan ay uga sii dari karaan xaaladda Lubnaan oo haatan la daala-dhacyso waxyeeladii qaraxyadii dhacay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: