Wararka

Lugtii labaad ee Champions League oo caawa lagu ciyaari doono garoomada Etihad iyo Allianz…


Ciyaarahii Europe ee UEFA Champions League laugtii labaad ee kooxihii qabta coronavirus ku dhacday ayaa dib u bilaabaya tartankooda caawa, waxaana wada ciyaari doona Manchester City oo marti gelin doonto Real Madrid, lugtii hore ayaa Manchester City waxay ku hogaamineysaa Real madrid 2-1, halka Juventus iyo Lyon ay isku arki doonaan garoonka Allianz Stadium ee Juventus iyadoo Lyon ku hogaamineyso 1-0.

Dhinaca kale ciyaaraha habeen dambe dhici doona ayaa waxaa ka mid ah Barcelona iyo Napoli oo isku arki doona garoonka Camp Nou ee Barcelona, kulankii hore waxay isla dhaafi waayeen 1-1, halka Bayern ay martigelin doonto Chelsea iyadoo lugtii hore Bayern ku hogaamineyso 3-0.

Waxaa la arki doonaa kooxaha u soo baxa sideed dhamaadka tartankan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: